DHAGEYSO :-Khilaafka Gaas & Kheyre Muxuu Salka Ku Hayaa +Ogow Sababta

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa axaddi ka baxay magaalada Muqdisho waxaana uu gaaray Garowe xarunta Puntland , safarkiisa deegaanadaasi waxaa jiray qorsheyaal deganaa sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonyahay , Inuu booqdo magaalooyin kamid ah Puntland , dekad cusub ka dhagax dhigo Garacad , inuu ka qeybgalo munsaabadda 20-sano Guurada maamulka Puntland iyo kuwo kale ayaa kamid ahaa ujeedooyinka ugu weyn ee socdaalka Xasan Kheyre.

HALKAN RIIX SI’AAD U DHAGEYSATO

Markii wafdiga ra’iisal wasaaraha ay gaareen Garowe , kulamo ay la qaateen madaxda Puntland kadib maalinki xigay waa isniinti e waxaa uu Ra’iisal wasaare Kheyre qudbad u jeediyay ardayda wax ku barata deegaanadasi , shalay ayaana la qorsheynayay in isaga iyo Madax weynaha Puntland ay tagaan deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug kana dhagax dhigaan dekad cusub.

Garacad waxaa ay dhacdaa Waqooyiga Mudug waxayna kamid tahay xeebaha Soomaaliya kuwooda leh Marsooyinka dabiiciga ah , waana mid fac weyn.

Gobolka Mudug waxaa uu ka dhaxeeyaa labada maamul gobol ee Puntland iyo Galmudug , waxaase deegaanka Garacad u xisaabanyahay Puntland.

Isla Gobolka Mudug deegaanada hoos taga Galmudug waxaa ku yaala dekada qadiimiga ah ee Hobyo taasi oo hadda lagu wado in dib u dhis lagu sameeyo, masuliiyinta Galmudug ayaana Ra’iisal wasaaraha ku dhaliilay in dekad cusub ka dhagax dhigayo Garacad, Hobyo-na lagu dhabar jebinayo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.