XOG : Madaxweyne Farmaajo Oo Wada Dadaalo Qarsoon uu ku Qancinayo Jabuuti.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Candulaahi Farmaajo uu wado dadaalo qarsoon uu ku doonayo inuu qaar ka mid Madaxda Geeska Afrika kaga dhaadhiciyo sidii looga wada shaqeyn lahaa Wada hadalo miro dhala oo la dhex dhigo Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo lagu wado Maanta inay u ambabaxaan Suudaan ayaa ujeedka ugu weyn ee safarkiisa waxaa lagu sheegay in doonayo Madaxweynaha Suudaan inuu ka qeyb ka noqdo dadaalo lagu heshiisiinayo Jabuuti iyo Eritrea.

Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir ayaa casuumaad u fidiyay Madaxweyne Farmaajo waxaana ay kusoo began tahay iyadoo xiisad xoog leh ay ka jirto Geeska Afrika tan iyo markii uu isbedel Maamuleedka ku dhacay Dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inuu soo gaba gabeeyo muranka iyo dagaalka ka dhaxeeya labada wadan isagoo ka shaqeynaya sidii Miiska wada hadal ay iskugu imaan lahaayeen Madaxda labada Dowladood.

Si kastaba ha ahaatee Dowlada Jabuuti ayaa ka carootay safarkii Madaxweyne Farmaajo ee Eritrea iyo hadalo uu ka sheegay intuu dalkaasi ku sugnaa waxayna ku sheegeen Farmaajo inuu dhabar jabiyay maadaama uu la saftay cadowga Jabuuti.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.