AKHRISO :-Faarax Macalin Oo ku baaqay in JIGJIGA Lagu Dal-dalo Cabdi Iley

Siyaasiga aan hadalka la gaban ee Faarax Macallin Dawaar ayaa si kulul u weearay Madaxweynaha dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda xaalad adag ku sugan.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shalay Xaaladu ku xumaatay markii ay ciidamada Federal-ka ah gudaha u soo galeen magaalada kaddibna la wareegeen xarumihii dowladda sida Baarlamaanka iyo Madaxtoyada, Arntaasoo dhalisay kacdoon shacab oo gil gilay Jigjiga iyada oo ay dadku jidadka ku mudaaharaadeen kaddiba gubeen Kaniisado, iyo goobo ganacsi oo uu ku jiro Bankiga Oromada.

Faarax Macallin waxa uu boggiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku bogaadinayo falka dowladda dhexe ee Itoobiya, isaga oo ku baaqay in gudaha magaalada meel fagaare ah lagu dal dalo Cabdi Maxamuud Cumar.

×

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.