DHAGEYSO :-Faah Faahin Qarax ismiidaamin ah Oo ka dhacay Degmada AFgooye

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa la sheegay in uu fuliyay ruux naftii hore ahaa oo waday gaari Hoomey ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo uu ku dhuftay ilinka hore xero Ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin agagaarka Baar Ismaciil ee degmadaasi.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay qaraxaasi oo uu mid ka mid ah ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada DFS, halka ruuxa ka kalena uu ahaa qof shacab ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Korneyl Cabdi Dheere oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Booliska ee degmada Afgooye.

HALKAN RIIX SI’AAD U DHAGEYSATO

×

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.