Muxuu ahaa Amarkii Al-Shabaab dul dhigeyn ganacsatada Muqdisho

Ururka Al-Shabaab ayaa amar culus siiyey ganacstada dagan jidka Soddonka ee Magaalada Muqdisho, jidkaas oo ay ku laayaan labada isgoyska ee sida weyn loo isticmaalo ee Black Sea iyo Baar Ubax.

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa si toos ah ugu tagay qaar ka mid ah ganacstada ku shaqeysto jidkaas iyagoo gacanta ka saaray waraaqo amar ah oo kasoo baxay ururkaas.

Sida ay dad ka tirsan ganacsatadaas xaqiijiyeen Al-Shabaab ayaa ganacsatada ku amray inaysan bixin karin Canshuurta ganacsi iyo midda guryaha ay qaado dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la amray inay waqtiyada Salaada xiraan ganacsiyada cidii la arkayo iyadoo ganacsaneysana laga qaado doono tallaabo sharci ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa ganacsatada u hanjabay waxaana lasoo sheegayaa in qaar ka imid ah amaradii Al-Shabaab uu ka fulay jidka30-ka oo ah meel muhiim u ah Magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab digniin noocaan ah siiyaan dadka ku ganacsado Magaalada Muqdisho, gaar ahaan jidka soddonka tan iyo markii laga saaray Magaalada Muqdisho.

Ururkaan ayaa ku caan baxay inay si arxan darro ah u dilaan cid kasta oo diido amarkeeda waxayna Magaalada Muqdisho ka fuliyaan weeraro isugu jiro dilal iyo qaraxyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa kaliya ku xooggan jidka Makka Al-Mukarama oo ay ku yaalaan xarumaha dowladda inkastoo ay ciidamo u joogaan jidadka kale ee Muqdisho haddana sida Makka Al-Mukarama loo ilaaliyo looma ilaaliyo kuwa kale.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin amarkaan kasoo baxay Ururka Al-shabaab oo si toos ah loogu geeyey ganacsatada jidka Soddonka.

×

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.