WAR DEG DEG : Oromada Oo dagaal Xoogan kula Wareegay deegaano Kamid ah dhulka SOMALIDA

Dhalinyaro Soomaali ah iyo Kuwo Kasoo Jeeda Qowmiyada Oromada ayaa waxa ay gacanta iskula tageen Deegaano dhowr Ah Oo Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ku yaalla.

Deegaanka Tuli Guuleed ayaa rabshadaha ugu xoogan ay ka jiraan oo Katirsan Gobolka Faafan,waxaana Dagaalkaasi ku gacan sareeya baa la yiri Qowmiyada Oromada.

Dadka waxa la arkayey Waxyeelo ay kasoo gaartay Shaqaaqadaasi ka jirta Gobolkaasi,iyadoo Ciidamada Booliska Federaalka Itoobiya ay isku dayayaan Xakameynta amniga oo faraha kasii baxaya.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa jirta balse weli tirada lama sheegi karo waayo weli waxaa jira Xaalad Cakiran Deegaanka Tuli Guuleed.

Dhalinyarada Qowmiyada Oromada ayaa deegaano dhowr ah gacanta ku dhigay sida la sheegayo Gobolka Faafan.

Waxa jirtay in Degmada Baabili Ee Isla Gobolkaasi Laga saaray Oromadii ku nooleyd Badankood oo Soomaalidu ugacan gashay.

×

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.