AKhriso :-Dilal Qorsheysan Oo Argagax leh oo ka dhacay Muqdisho

Kooxo hubaysan ayaa saaka Degmada Waaberi, gaar ahaan xaafadda Buundooyinka waxa ay ku dileen askari ka tirsan ciidamada Booliska Somaliya.

Askarigan ayaa la sheegay xilliga la dilayay inuu ka soo baxay hoygiisa oo ku yaallo Degmada Waaberi, dableyda hubaysana ay ku dileen meel aan sidaasi kaga fogeyn gurigiisa.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan dableydii dilkan gaysatay inay ka baxsadeen goobta, kadib markii ay toogteen askariga.

Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Waaberi ayaa tagay goobta lagu dilay askariga, waxayna halkaasi ka soo qaadeen maydka marxuumka la dilay.

Sarkaal ka tirsan Saldhiga Booliska Degmada Waaberi, ayaa sheegay askariga la dilay inuu ka tirsanaa xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee C.I.D.

Al Shabaab ayaa muddooyinkaan dambe kordhiyay beegsiga iyo dilalka qorsheysan ee ay u gaysanayaan ciidamada ka tirsan dowladda Fedeeralka Soomaaliya.

×
×

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.