DEG DEG ;-Diyaaradaha KENYA oo Duqeyn ku laayey Dad Shacab Somali ah

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta duqeymo diyaaradeed laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Diyaaradaha dagaalka ee dowlada Kenya ayaa la sheegay in dhowr Gantaal ay ku garaaceen degaanka Laan Garas oo ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Ceelwaaq iyo Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in ay duqeynta khasaare ay ka soo gaartay dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Waxaana uu tilmaamay in duqeyntaasi uu ku dhintay 1 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 3 kale oo Rayid ahaa.

Inta badan diyaaradaha dagaalka ee dalalka Kenya iyo Mareykanka aya duqeymo ka fuliya K/ Soomaliya oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al Shabaab.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.