DEG DEG : C/wali Gaas oo ku Haray Wareega Kowaad iyo Sedex Musharax oo Wareega Labaad u gudbay

Waxaa soo idlaatay tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaanada baarlamaanka Puntland.

Waxaa dorashada ka haray 18 musharax oo xilka isku soo taagay, waxaana musharixiin badan aysan xitaa helin hal cod.

Dr C/Welli Gaas iyo Musharax Jabiye oo aad loo hadal hayay ayaa ka haray wareega labaad ee doorashada madaxweynaha Puntland.

Musharax Saciid Cabdullaahi Deni ayaa heysta codadka ugu badan oo gaaraya 20 cod walow aysan guddiga wali shaacin, sidoo kale Musharax Generaal Asad ayaa heysta codadka ku xiga oo helay 17 cod.

Musharaxa seddexad ee ugu codadka badan ayaa ah Faarax Cali Shire oo helay 9 cod.
Guddiga wali kuma aysan dhawaaqin natiijada, waxayna u badan tahay inay seddexdaasi musharax usoo gudbeen wareega labaad.

DAAWO

Wararka.maanta

DEG DEG DHAGEYSO :-Madaxweynaha Cusub ee Puntladn oo Hada la Doortay
- Jan 8, 2019
Waxaa Goordhow soo geba gabowday doorashada Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ay Maanta ku tartameen,21 Musharax,hayeeshee ...
WAR DEG DEG :-Yaa Hogaaminaya ilaa iyo Hada Tirinta Codadka la dhiibtay
- Jan 8, 2019
Waxaa soo idlaaday dhamaan codadka ay dhiibanayeen xildhibaanada baarlamaanka Puntland. 66 Xildhibaan ayaa dhiibtay codadka ...
DEG DEG : C/wali Gaas oo ku Haray Wareega Kowaad iyo Sedex Musharax oo Wareega Labaad u gudbay
- Jan 8, 2019
Waxaa soo idlaatay tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaanada baarlamaanka Puntland. Waxaa dorashada ka haray 18 ...