DHAGEYSO : Cameey Oo Shaaciyay Sababta Keentay Khiaafka Isaga iyo MD Gaas +War Culus

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in khilaaf xoogan uu ka dhex dhaliyo Guddigii uu shalay Magacaabay Madaxweynaha Puntland.

Isaga oo la hadlayay Voa-da Cameey ayaa sheegay in Madaxweyne Gaas uu baal maray xeerkii Magacaabida Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafka Golaha Wakiilada Puntland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Cabduweli Gaas uusan kala tashan Magacaabista taas oo uu sheegay inay waajib tahay,sababta kale ayuu sheegay inay Guddiga qeyb ka yihiin Xubno Maamulka Puntland hadda ka tirsan ehelo dhowna ay yihiin Madaxweynaha.

Shalay Gelinii dambe ayaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey waxa uu Magacaabay Guddi kale,isaga oo kulan la qaatay Xubnaha ku midoobay musharixiinta Madaxweynaha Puntland.

HALKAN RIIX KA DHAGEYSO CODKA


WARARKA MAANTA

Nabadoon News