DEG DEG : Maxaadan Ogeyn oo Saake ka Socda Baydhabo Xili la Ciir Ciireyso Ciidamo uu Wato Mukhtaar Roobow

Ciidamada Amaanka ayaa saakay waxaa ay baaritaano ka wadaan Xaafadaha guud ee Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Baaritaanka ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay weerar bambaanooyin ah lagu qaaday Guriga Xildhibaan hore uu ka degan yahay Magalada Baydhabo, kaasi oo lagu magacaabo Maaxamed Kheyr Xaaji Maxamed Ibraahim Hiireey.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weli baaritaanada ay socdaan, islamarkaana ma jirto cid lagu soo qabtay Baaritaankaasi.

Bambaanooyinka lagu weeraray Guriga Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Dowladii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ku dhaawacmay Saddex ruux oo Guriga ku sugnaa.

WARARKA MAANTA

Nabadoon News