DHAGEYSO Warbixin : Sagaal Sano ka hor Sidee ayuu u dhacay Xasuuqi Murugada Badnaa ee Hotel Shaamoow ?

Jawigu waxa uu ahaa mid aad u wanaagsan ardaydu waxa ay ku labisnaayeen dharka lagu yaqaano dadka ka aflaxay waxbarashada jaamacadeed ee shahaadada lagu guddoonsiiyo.

Dadkii ku sugnaa goobta waxa ay ahaayeen kuwo dhageysanayey khudbadaha ay jeedinayeen qaar ka mid ah ka qeyb galeyaasha, marqura waxaa is badalay jawigii ku dheehnaa farxada waxaa la maqlay qarax weyn oo gilgilay Hotelkii, jawiga waxa uu noqday mid isku badalay murug.

Qaraxii ka dhacay Hotelka waxa uu galaabtay dad badan oo ay kujireen Seddax wasiir oo mar qura goobta ku nafbaxay kuwaas oo kala ahaa Qamar Aadan Cali wasiirkii caafimaadka, Maxamed C/llaahi Waayeel wasiirkii waxbarashada iyo prof Ibraahim Xasan Cadoow iyadoo ay ku geeriyoodeen dhaqaatiir uu ka mid ahaa Prof Maxamed Aadan Warsame “Shahiid”.

HALKAN RIIX KA DHAGEYSO CODKA

WARARKA MAANTA

Nabadoon News